Maxkamadda Sare ‘’Booliska Kenya ma adeegsan karaan awood xad-dhaaf ah ‘’.

Maxkamadda Sare ‘’Booliska Kenya ma adeegsan karaan awood xad-dhaaf ah ‘’.

Nairobi (Raxanreeb )-Kenya waxaa ka dhacay dibadbaxyo waa –wayn oo waxyeelo gaystay ka dib markii dadka ay iska diideen , sharciga maaliyadda kaas oo buuq badan dhalliyay.

Inta ay dibadbaxyadu socdeen , ciidanka  booliska Kenya ayaa adeegsaday awood dheeraad ah oo sabab u noqotay in dad badan ay waxyeelo ay soo gaarto.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa ciidamada booliiska ka hor istaagtay in ay dibadbaxayaasha u adeegsadaan baabuurta biyaha rusheeya, sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta iyo hubka kale ee culus.

Tani ayaa timid ka dib dacwad uu maxkamadda geeyay Saitabao Ole isaga oo laamaha ammaanka ku eedeyay inay ku xadgudbeen xuquuq dastuuri ah.

Garsoore Mugure Thande ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka aynan awood xad dhaaf ah u adeegsan karin dibadbaxayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.