MD Xasan Sheekh oo lagu eedayay dagaal beeleedyada ka socda MUDUG

MD Xasan Sheekh oo lagu eedayay dagaal beeleedyada ka socda MUDUG

Gaalkacyo (Raxanreeb ) Deegaano  ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa ka  qarxay dagaal beeleed u dhaxeeya   dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo .

Dagaal beeleedyadan ayaa lagu soo waramayaa in ay gaysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana isa soo taraya baaqyada nabada ee loo dirayo dhinacyada.

Wasiirka qorsheynta maamul goboleedka Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweymaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dambeeyo dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed.

Waxa uu tilmaamay  wasiirka in wixii shalay ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Goldogob oo ay sameeyeen waxa uu ku sheegay maleeshiyada Galmudug katimid ay bilaw u tahay dagaal seddexaad.

Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa imaanaya xilli wali jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda federaalkka Soomaaliya iyo Puntland, madaxweynaha Soomaaliya oo ay eedeesay Puntland ayaana Dhuusomareeb u jooga abaabulka dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.