Gaalkacyo (Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa ka qarxay dagaal beeleed u dhaxeeya dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo .
Dagaal beeleedyadan ayaa lagu soo waramayaa in ay gaysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaana isa soo taraya baaqyada nabada ee loo dirayo dhinacyada.
Wasiirka qorsheynta maamul goboleedka Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa ku eedeeyay madaxweymaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dambeeyo dagaalka u dhaxeeya labada maleeshiyo beeleed.
Waxa uu tilmaamay wasiirka in wixii shalay ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Goldogob oo ay sameeyeen waxa uu ku sheegay maleeshiyada Galmudug katimid ay bilaw u tahay dagaal seddexaad.
Hadalkan kasoo yeeray Puntland ayaa imaanaya xilli wali jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda federaalkka Soomaaliya iyo Puntland, madaxweynaha Soomaaliya oo ay eedeesay Puntland ayaana Dhuusomareeb u jooga abaabulka dagaal ka dhan ah Al Shabaab.
Leave a Reply