Morocco oo horkacaysa  isu keenista Soomaaliya iyo Itoobiya.

Morocco oo horkacaysa  isu keenista Soomaaliya iyo Itoobiya.

Morocco (Raxanreeb)  Waxaa soconaya dadaalo lagu doonayo in la isku keeno dalalka Soomaaliya  iyo  Itoobiya  kuwaas oo ay hormuud ay ka  yihiin dalalka  ku jira Jaamacadda Carabta.

Dadaaladan waxaa lagu  waramayaa in ay horkacayaan dalalka uu ka mid yahay Morocco oo qabanaysa shir deg deg ah oo ZOOM ah oo ay ka qayb gali doonaan dalal badan.

Ku xiigeenka xoghayaha guud ee ururka jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururku shirkaasi qaban doono 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA.

Hossam Zaki, ayaa sheegay in shirkan diirada lagu saari doono xiisada ka dhalatay xad-gudubka dowladda Itoobiya , waxa uuna xusay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya.

Xiisad siyaasadeed oo meel xun gaartay ayaa soo kala dhax gashay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku xad-gudbay Qarannimada Soomaaliya heshiis sharci-darro ahna la galay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in sharci daro uu yahay heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaland taas oo ay ka dhiidhiyeen dalal badan oo Soomaaliya ku garab siiyay xadgudubkaas.

Si kasta waxaa aaad u xun xiriirka labada dal tan iyo bilowgii sanadka cusub taas oo keentay in banaanbaxyo waa wayn ay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.