MUQDISHO :  Askarta dowladda oo rayid ku dilay Muqdisho .

MUQDISHO :  Askarta dowladda oo rayid ku dilay Muqdisho .

Muqdisho (Raxanreeb ) Goobjoogayaal ku sugan degmada Deyniile ee magaalada  Muqdisho ayaa sheegay  in askar ka tirsan ciidanka dowlada dil ay u  gaysteen qof shacab ah.

Dilkan ayaa la sheegay in askarta boolis Militariyo ay u gaysteen wade- mooto bajaaj oo  ku sugnaa degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa qofkan rayidka ah loo gaystay ka dib markii halkaas ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay.

Qaraxan ayaa lagu waramaya in askarta dowladda waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray.

Hay’adaha amaanka ma aysan ka hadal dhibaatooyinkan loo gaystay dadka rayidka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.