Muqdisho (Raxanreeb ) Goobjoogayaal ku sugan degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka dowlada dil ay u gaysteen qof shacab ah.
Dilkan ayaa la sheegay in askarta boolis Militariyo ay u gaysteen wade- mooto bajaaj oo ku sugnaa degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa qofkan rayidka ah loo gaystay ka dib markii halkaas ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay.
Qaraxan ayaa lagu waramaya in askarta dowladda waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray.
Hay’adaha amaanka ma aysan ka hadal dhibaatooyinkan loo gaystay dadka rayidka ah.
Leave a Reply