MUQDISHO : Dilal kala duwan oo ka dhacay qeybo ka mid ah caasimadda.

MUQDISHO : Dilal kala duwan oo ka dhacay qeybo ka mid ah caasimadda.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Magaalada Muqdisho waxaa ka sii socda dilalka loo gaysanayo dadka – shacabka ah kuwaas oo ilaa iyo hadda eheladooda aysan helin wax cadaalad ah.

Degmada Shibis ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dil loo gaystay , wiil dhallinyara ahaaa kaa soo laga dhacayay marka uu dilka uu dhacayay Mobile –kiisa

Hay’adaha amniga oo goobta soo gaaray ayaa baaritaan sameeyay mana jirto cid gacanta ay ku soo dhigeen , inkastoo ay baaritaano ay sameeyeen.

Waxaa sii kordhaya maalmahan dilalka loo gaysanayo dadka rayidka waxaana maxkamadaha dalka  yaala – kiisaska ku saabsan ,  dilalka Rayidka.

Nin ganacsade ah oo dukaan carwo ah ku lahaa Suuqa Sei biyaano oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa galabta lagu dilay Toorey.

Dilkan ayaa yimid ka dib khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabar dukaan ku dhagan milkiile ka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.