Salaax Dabaan mustaqbalkiisa garsoore & aakhiradiisa ayuu badbaadin doonaa ama god buu ku ridi doonaa.

Salaax Dabaan mustaqbalkiisa garsoore & aakhiradiisa ayuu badbaadin doonaa ama god buu ku ridi doonaa.

Muqdisho (Raxanreeb )-Waxay u muuqataa in kiisku yeeshay waji kale oo gacan ku samays ah, in sheekadan dambe alifaad tahay waxa mujinaya 3 qodob.

1. Nin doonaya in uu alaabtiisa gubo kama bilaabi lahayn qol joodari iyo sariir uun yaalaan isaga oo arkaya fadhigii iyo jiifkii oo ka qaalisan alaabta uu gubay, sidaasi darteed waxa cad in Luul ay ku jirtay qolka uu sheegay in uu gubay iyaduna uu ka bilaabay gubista. Ku darso hadaladiisa aan maangalka ahayn sida in Luul iyadu ku carartay qol gubanaya, in Luul ay 1 daqiiqo ku gubatay sidaas darteedna u dhimatay iyo in uu doonayay in uu badbaadiyo oo uu dharka ka jeex-jeexay hadana iyada oo halcaysa uu ka tagay oo uu yiri waxaan doontay gaari aan ku qaado, dibna uguma soo laaban waa dambi kale, yeelkadeede se macquul ma ahan.

2. Qiraalka laga qoray inta baaristu socotay ee uu suulkiisa saaray waxa uu ku sheegay in dabku cuud ka bilowday, sidaasna uu ku dooday qareenkiisu fadhigii hore, dambi baarayaashuna ay soo gudbiyeen. Hadana waxa uu leeyahay cuud ma ahayne anigaa ku talagal qol u gubayay sidaas ayuu dabka ku bilowday. Tani waa kala hadal muujinaya in tuhunku dhab noqon karo.

3. Haddii aanu waxa ula kac u dhicin muxuu u baxsaday Sayid Ali? Tani waa su’aasha illaa hadda uusan jawaabta u hayn eedaysanaha iyo qareenka difaacayaba, haddii aanu isagu ku talagal falku u gaysan lahayn  waxa uu xaaskiisa geyn lahaa Isbitaal waa uuna la joogi lahaa waayo nin wax falay iskuma arkeen.

Waxaan rabaa in aan ogaado diiwaanka xukunada ay riday maxkamadda G/Benadir ma jirtaa xukun dil toogasho ah oo ay horey u riday lana fuliyay.

Wax macna ah ma yeelan doonto qaybta difaaca eedaysanaha iyo qodobada 116 lagu keydiyay ee la doonayo in hadda lasoo bandhigo waayo waxaa muuqata in sheekadu qabatay wado gacan ku samays ah.

Dhanka kale xitaa haddii loo raaco dhihistiisa ah; “maragyadu waa beenaalayaal”, isaga ayaa isku marag furay sheegayna in dab uu isagu kicintiisa ama sababteeda lahaa ay Luul ku dhaawacantay una dhimatay dhaawacaas, sidaasi darteed dambiga Sayid Ali waxa uu noqonayaa geysasho dil darajada koowaad oo qisaasteedu tahay dil toogasho ah, waayo ku talagal iyo ku talagal la’aanba sabab ahaansho xaalad dhimasho xukunkeedu waa dil inta ogaalkayga ah oo aan sharcigu ka aqaan.

Aayado qur’aan iyo qodobo aan tiriskoodu xifdisnayn oo uu Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed qeexayo ayaa sidaasi qaba.

Saalax Dabaan mustaqbalkiisa garsoore iyo aakhiradiisa ayuu badbaadin doonaa ama god buu ku ridi doonaa.

#justice4luul

Abdirashid Haji.

Leave a Reply

Your email address will not be published.