Muqdisho (Raxanreeb ) Dad badan oo aad ugu caraysan , dhul dowladdu ay sheegtay in la baneeyo ayaa maanta oo Sabti ah banaanbax ka dhigay wadooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dibadbaxan waxa uu ka dhacay xaafada Saybiyaano ee magaalada Muqdisho halkaas oo dadka banaanbaxaya ay sheegeen in ay diidan yihiin boobka lagu hayo dhulkooda.
Waxa ay ku qaylinayeen erayo ka dhan ah Dowlada Soomaaliya ee amarkan soo rogtay markii hore halkaas oo ay gaareen ciidan ka tirsan Dowladda ka hor banaanbaxyadan maanta.
Waxay xirteen dadkan maanta dibadbaxa dhigay wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho si gaar ah Saybiyaano.
“Dooni meyno dhul boobe Xasan Sheikh “ ayaa ka mid ahaa erayadii maanta ay ku qaylinayeen dadka dibadbax maanta dhigayay maanta.
Si kasta dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay dadka degan xaafadaha Saybiyaano in ay ka guuraan muddo kooban dhulka ay degan yihiin.
Leave a Reply