Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Hawlgalka Taageerada Kala-guurka ee Soomaaliya Danjire James Swan.
Guddoomiye Muungaab ayaa Danjire Swan uga warbixiyay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee dhanka horumarinta iyo dib-u-dhiska Caasimadda, xaqiijinta amniga, dardargalinta adeegyada bulshada sida Caafimaadka iyo waxbarashada, xoojinta wacyigelinta iyo abaabulka bulshada ee loogu diyaargaroobayo Doorasho Qof iyo Cod oo ka dhacda Caasimadda iyo guud ahaan dalka.yo barnaamijyada horumarineed.
Dhankiisa, Danjire James Swan ayaa ka mahahdnaqay soo-dhawaynta iyo warbixinta uu Duqa Magaalada ka siiyay hawlaha Gobolka ka socda, isaga oo ballanqaaday in ay sii joogtayn doonaan taageerada ay la garab-taagan yihiin meelmarinta qorshayaasha hortebinta u leh Caasimadda.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin kale oo katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Leave a Reply