Muxuu kala hadlay hoggaamiyaha SSC Khaatumo xildhibaanada ku matala Baarlamaanka ?

Muxuu kala hadlay hoggaamiyaha SSC Khaatumo xildhibaanada ku matala Baarlamaanka ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Fidhiye, ayaa la kulmay qaar kamid ah xildhibaanada SSC-Khaatumo ku matala labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay  xaaladda dalka iyo dardar gelinta howlaha hortabinta u eh dowlad goboleeda SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha SSC ayaa ugu mahad celiyay xildhibaanada,  dadaalkooda ku aadan sida ay uga shaqeynayaan arrimaha horumarinta u leh deegaanada SSC-Khaatumo.

Cabdiqaadir Firdhiye hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo la kulmay madaxda dalka ugu sareeysa iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda deegaanada SSC.

Leave a Reply

Your email address will not be published.