Dar es Salaam (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maalintii sedexaad safar ku jooga dalka Tanzania isagoo kulamo kala duduwan la yeshay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dalkaas.
Mudane Xamseoo hadal ka jeediyay Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si xooggan u maalgelisay waxbarashada dalka.
Waxaa uu sidookale sheegay in3000 oo macallin cusub ah ay dowaladda Soomaaliya qortay.
Shirkan ayaa waxaa uu kulmiyay masuuliyiin badan oo kakal timid qeybo badan Afrika ah
Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale cambaareeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ee lagu dilay askar badan oo ka tirsaneyd ciidanka guutada 14-ka Oktoobar.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Soomaaliya ay dowlada ku eedeysay inay dowladu mas’uul katahay qaraxa.