Muqdisho (Raxanreeb ) Kadib weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay xubin ka tirsan ururka al-Shabaab la beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dalwadda, oo ku sugnaa Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaa su’aalo la iska weydiinayaa sida uu ku dhacay?
Saraakiil kuwa amniga ah ayaa xaqiijiyey in saraakiil loo xiray weerarkan, su’aalo la weydiinayo. Saraakiisha la xiray waxaa ku jira Gaashaanle Sare.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegaaa in gunteedaha ay ka dhalatay dhibaatooyin ku saabsan amniga iyo shaki badan oo ku saabsan Al- Shabaabnimo oo waxa muuqanaysa in xafiisyada ay ka jiraan cabsi badan.
Saraakiil badan oo Dowladda ah ayaa ku biloday shaki badan oo ku saabsan in ay ka qayb qaadanayaan amni darrada ka jira magaalada Muqdisho.
Qaraxii ka dhacay Gaashaandhiga ayaa banaanka u soo saaray , tuhuno badan oo laga qabay jiritaanka wada- shaqaynta kooxda Al- Shabaab iyo Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hay’adaha amniga ayaa isku dayaya in ay hoos u dhigaan wax kasta oo ku saabsan ogaanshaha qaraxa askarta badan ay ku dhinteen ee ka dhacay wasaarada Gaandhaandhiga Soomaaliya oo ah meel si aad ah loo ilaaliyo.
Qaraxu kama dhicin banaanka, ee waxa uu ka dhacay gudaha xarunta, gaar ahaan halkii ciidanka lagu faylinayay, taasi oo deg deg u dhalineysa su’aallo badan oo u baahan jawaabo la aqbali karo.
Siyaasiinta dhaliila Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in Saraakiisha Dowladda ay fududeeyeen qaraxan abuuray shakiga amniga caasimadana ku keenay inuu faraha ka baxo oo meelo badan oo caasimadda ah waxa ka dhacay dilal iyo qaraxyo
Leave a Reply