ntony Blinken oo tagay Ankara

ntony Blinken oo tagay Ankara

Ankara (Raxanreeb) — Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa gaaray dalka Turkiga, waxaana safarkiisaani uu qayb ka yahay socdaal ku saabsan arrimo diblumaasiyadeed oo gobolka bariga dhexe uu ku marayo.

Blinken ayaa hore kulamo ula soo qaatay hoggaamiyaal iyo wasiirro ku sugan Israa’iil, daanta galbeed, Jorden iyo Ciraaq.

Magaalada Ankara ayuu hadda kulan albaabadu u xiranyihiin kula leeyahay Blinken dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan.

Turkigu waxaa uu Xamaas u aqoonsanyahay urur xorriyad doon ah waxaana madaxweyne Erdogan uu sheegay in xalku ku jiro laba dowladood oo Falastiin iyo Israa’iil ah, halka Mareykanku uu garab siiyay Israa’iil isla markaana ku tilmaamay Xamaas koox dhibka oo dhan iyadu mas’uul ka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.