PUNTLAND  : Koox  burcad badeed ah oo gacanta lagu dhigay.

PUNTLAND  : Koox  burcad badeed ah oo gacanta lagu dhigay.

Garoowe (Raxanreeb )  Koox   la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa in gacanta lagu dhigay kuwaas oo qorshaynayay in ay fuliyaan weeraro.

Howlgal ay fuliyeen ciidanka ayaa la sheegay in  gacanta ay ku soo dhigeen kooxdan oo  hubaysanaa hub fudfudud iyo kuwo  culus sida ay sheegeen saraakiisha amniga Puntland.

Kooxdan lasoo qabtay oo ka koobnayd saddex nin ayaa la sheegay in la horgayn doono sharciga, si loogu qaado dambiyadooda burcad badeednimo.

Qabashadooda ayaa kusoo aaday xilli maamulka Puntland uu dhawaan xeebaha ka hirgaliyay ciidamo la dagaalama burcad badeedda  muddooyinkii ugu dambeeyay ka dambeeyay qafaalashada maraakiibta iyo doonyaha ganacsi.

Qaar kamid ah bucad badeedda ayaa u gacan u galay ciidamada shisheeye ee ka howgalla xeebaha Soomaaliya.

Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegay  in  ay sii wadi doonaan howgalada ay ku doonayaan in ay sugaan amniga xeebaha maamul goboleedka Puntland si looga hortago falalka burcadbadeednimada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.