Qarax ismiidaamin ah oo gilgilay Beledwayne- Hiiraan

Qarax ismiidaamin ah oo gilgilay Beledwayne- Hiiraan

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya – magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax xoogan kaas oo  ruxay xaafadaha magaaladaas.

Waxa lagu soo waramayaa in qaraxan loo adeegsaday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

Goobjoogayaal ku sugan  magaalada Beledwayne ayaa sheegay in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay bar-Kontorool oo gaadiidka lagu hubiyo, taas kala qeybisa xaafadaha Xaawo Taako iyo Kooshin ee Beledweyne.

Sida lagu soo waramayo qiic xoogan ayaa la arkayay oo ka baxaya  halka uu qaraxu ka dhacay waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka gobolka  Hiiraan.

Lama sheegin  halka uu ahaa beegsiga qaraxan maanta ka dhacay magaalada Beledwayne ee Hiiraan

Sidan oo kale dhawr mar ayaa Beledwayne waxaa ka dhacay qaraxyo waxyeelo ba’an gaystay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.