Pakistan (Raxanreeb online) – Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 25 qof ay ku dhinteen kadib markii bam uu ku qarxay goob tareenada laga raaco oo ku taal gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.
Tobaneeyo qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaasoo dhacay xilli tareen subaxnimadii hore ee caanka ah uu ka ambabaxay saldhigga Quetta ee koonfur-galbeed Pakistan, kuna sii jeeday magaalada Peshawar.
Koox mintidiin ah oo lagu magacaabo Balochistan Liberation Army, ayaa sheegtay in ay fuliyeen qaraxan oo ay booliisku u arkaan weerar ismiidaamin ah.
Dhawaanahan waxaa gobolka si aad ah ugu soo badanayay weeraro lagu hoobtay oo ay ka danbeeyeen dalabaadka madaxbanaanida iyo gacan ku haynta kheyraadka deegaanka.
Guddoomiyaha magaalada ayaa sheegay in ugu yaraan 25 qof ay ku dhinteen oo uu ku jiro ninkii is qarxiyay, ku dhawaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa.
Sargaal sare oo ka tirsan Booliska, Muxamed Baloch ayaa sheegay in qaraxa loo maleynayo inuu ka dhashay qof is miidaamiyay oo watay 6-8kg oo walxaha qarxa ah. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira rayid iyo ciidan, sida uu BBC-da u sheegay.
Muuqaallada lagu faafiyay baraha bulshada ayaa u muuqda kuwa muujinaya xilliga uu qaraxu dhacay subaxnimadii Sabtida, iyadoo tobanaan qof ay ka muuqdeen goobta.
Waxaa sidoo kale la arkayaa muqaalo muujinaya sida ay wax u dhaceen, kuwaasoo muujinaya tiro dad ah oo dhaawac ah iyo burbur ku faafay saldhigga.
Cabdul Jabbar ayaa ka mid ah dadka dhaawaca ah ee la keenay Isbitaalka Madaniga ah. Waxa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacayay uu gudaha u galayay Saldhiga, isagoo tikit ka iibsaday goobta uu qaraxu ka dhacay.
Ma sifayn karo naxdinta aan maanta la kulmay, waxay la mid tahay maalin xukun oo kale,” ayuu yidhi.
Muhammad Sohail ayaa yimid wax yar ka dib markii uu qaraxu dhacay si uu u qabto tareenkiisii Multan.
“Wax walba ayaa ku burburay saldhigga, dadkuna waxay jiifeen dhulka iyagoo ku qaylinaya gargaar,” ayuu yidhi.
Koox gooni u goosad ah oo lagu magacaabo Ciidanka Xoreynta Baloch ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayay kooxdu ku sheegtay inay beegsatay cutub ka tirsan ciidamada Pakistan oo kasoo laabtay Quetta kadib markii ay dhameysteen tababar.
Wasiirka ugu sareeya ee Balochistan ayaa falkan ku tilmaamay mid laga xumaado, isla markaana kuwii geystay falkaasi ay ka xun yihiin xoolaha. Waxa uu sheegay in mas’uuliyiintu ay ka daba tagi doonaan oo “ka keeni doonaan dhamaadka macquul ah”.
Afhayeenka baarlamaanka Pakistan, Sardar Ayaz Sadiq, ayaa cambaareeyay qaraxa, isagoo sheegay in kuwa mas’uulka ka ah ay yihiin “cadowga aadanaha”.
Balochistan waa gobolka ugu weyn Pakistan waana kan ugu qanisan dhanka kheyraadka dabiiciga ah, laakiin waa kan ugu horumarsan.
Gobolka ayaa xuduud aan xasiloonayn la wadaaga Iran iyo Afgaanistaan oo ay maamulaan Taliban, sidoo kale waxa uu leeyahay xeeb aad u ballaaran oo ku teedsan badda Carabta.
Leave a Reply