Qoorqoor iyo senatoro ka badbaadin dil la soo maleegay+khasaraha la ogyahay

Qoorqoor iyo senatoro ka badbaadin dil la soo maleegay+khasaraha la ogyahay

Wisil  (Raxanreeb ) Baabuur uu waday qof is-miidaamiye ah ayaa lala beegsaday tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Dad ku sugan Wisil ayaa  sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, islamarkana lagu weraray goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegeen ilo-wareed lagu kalsoon yahay.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Galmudug Jeneral Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa xaqiijiyay geerida ciidamo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo dhaawaca askar kale.

Taliye Gadaar ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Galmudug, Xildhiban Cabdi Qaybdiid, Xildhibaan Dhabancad iyo mas’uuliyiintii ku sugnayd deegaanka Laas Gacamay ay badqabaan, balse ay jiraan dhaawacyo ka dhashay burburka qaraxa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhaawac fudud uu gacanta ka soo gaaray, kaasi oo ka dhashay guriga oo ku soo dumay iyo jiingadaha guriga wax la xariira.

Si kastaba, Weerarkaan ayaa durba waxaa sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab, oo dagaal ka dhan ah uu ka socdo gobollada dalka, kaasi oo kooxda looga qabsaday deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.