Gaalkacyo (Raxanreeb) — Roobab Lixaad leh oo labadii maalmood ka da’ayey magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug ayaa sababay khasaare isugu jira burbur hantiyeed iyo in dadbadan ka barakacaan guryahoodi, ka dib markii ay ku soo rogmadeen daadad.
Roobabka ayaa ka da’ay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xaafadaha Garsoor iyo Horumar. Wararka naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in Roobabka ay saameen ku yeesheen dadka Barakacyaasha ee ku nool magaalada.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in uu xirmay isku socodkii magaaalada, iyada oo dad badan ku go’doomeyn guryahoodi, sidoo kale waxaa xirmay goobihii adeegga Dadweynaha sida Iskuulada iyo xarumaha Caafimaadka.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa ugu baaqday hay’adaha gargaarka iyo shacabka deegaanadaas in ay garab istaagaan dadka magaalada Gaalkacyo si gaar ah dhinacyada Caafimaadka iyo Biyo saarista Magaalada.
Guud ahaan gobollada dalka waxaa ka da’ay Roobab wata daadad, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed. Dadka qaar ayaa ka barakacay guryihii ay degnaayeen ka gadaal markii ay u galeen daadad.