RSF “Maamulada Soomaaliya miyay qabaan ciil qab ka dhan ah Jamaal Cismaan‘’.

RSF “Maamulada Soomaaliya miyay qabaan ciil qab ka dhan ah Jamaal Cismaan‘’.

Berlin (Raxanreeb )- Ciidanka amniga maamul goboleedka Puntland ayaa ka masaafuriyay deegaanada maamulkaas  Jamaal Osman  iyo muuqaal duubihiisa kuwaas oo doonayay in warbixino ka sameeyo kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn (RSF) ayaa cambaareeyay go’aankii Puntland ku musaafuriyay  weriye Jamaal Cusmaan iyo soo saare kale, kuwaas oo katirsan telefishinka Channel4.

“Maamulada Soomaaliya miyay qabaan ciil qab ka dhan ah Jamaal Cismaan oo ah weriyaha Afrika ee Channel 4 ? Waa markii labaad oo weriyahan asalkiisu Soomaaliga yahay laga soo musaafuriyo Soomaaliya 14-kii bilood ee la soo dhaafay,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay RSF.

Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa war dhawaan ay soo saartay  si adag u cambaaraysay is-hortaagga iyo xarigga muddada kooban ee lagu sameeyay wariye Jamal Muhumed Osman iyo gabar soo saare ah, oo ka wada tirsan TV-ga Channel 4 ee UK.

In kasta oo fasaxa ay siisay Wasaaradda Warfaafinta Puntland, lana siiyay dammaanad qaadka ammaankooda, Jamaal iyo soo-saarehiisa telefishanka waxay yimaadeen Garoowe si ay uga shaqeeyaan waraysiyada barnaamijkooda documentariga ah ee ku saabsan dhibaatada Badda Cas.

Weriye Jamaal Cusman ayaa sheegay wax yar ka dib markii la xiray in la geeyey hotel ay gacanta ku hayso hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA, waxaana sidoo kale la geeyey xafiiska PISA halkaas oo su’aalo lagu weydiiyey muddo saddex saacadood ku dhow.

Leave a Reply

Your email address will not be published.