RW oo isku shaandhaayn ku saameeyay Golihiisa wasiirada

RW oo isku shaandhaayn ku saameeyay Golihiisa wasiirada

Muqdisho (Raxanreeb )- Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa saakay wareegto uu soo saaray ku magacaabay wasiirro cusub oo kamid noqonaya Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiiradda uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isugu jira kuwa horey boosaskooda u bannaanaayeen iyo wasiirro cusub uu xilka ka qaaday una magacaabay xubno cusub oo beddelayo.

LIISKA WASIIRADA CUSUB

1. Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Dibadda

2. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka

3. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag – Wasiirka Amniga Gudaha

4. Cabdullaahi Bidhaan Warsame – Wasiirka Tamarta iyo Biyaha

5. Maxamed Aadan Macallin – Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

6. Axmed Cumar Maxamed – Wasiiru dowlaha Bay’ada iyo Isbeddelka Cimillada

Leave a Reply

Your email address will not be published.