RW Xamsa Cabdi  shir muhiim ah kaga qayb galay Bahrain.

RW Xamsa Cabdi  shir muhiim ah kaga qayb galay Bahrain.

Bahrain  (Raxanreeb )- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain, halkaas oo uu kaga qeyb galayo meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay meertada 33-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta, oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa kaga qayb galayo Magaalada Manama ee dalka bahrain.

Fiqi ayaa sheegay in isaga iyo wafdi kale oo uu hoggaaminayo ay Xamza uga sii horeeyeen dalka Bahrain, isagoo sheegay inay halkaas ku soo dhoweeyeen wafdigiisa, isla markaana ay berri ka qeyb gelayaan shirkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee Dalka Bahrain, kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Mudane Abdul Latif Rashid.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhinaca amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah, isla markaana la isku dhaafsan lahaa khibradaha dhanka amniga

Sidoo kale wasiir Fiqi ayaa sheegay in dalalka Carbeed ee madaxdooda ay shirkaas isugu imaanayaan ay yihiin 22 wadan, isla markaana shirkaan uu ku soo aaday waqti muhiim ah.

wasiirka ayaa sheegay in shirka ay ka soo bixi doonaan qodobo lagu taageerayo go’aanada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay in dalalka Carabta ay Soomaaliya ku taageerayaan inay xubin ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.