Baydhabo (Raxanreeb )- Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa gacanta ku soo dhigay tiradii ugu badnaa oo dhallinyara ah kuwaas oo ay ku eedayanayaan ku lug lahanshaha falal amni darro.
Dadkan ayaa inta badan laga soo qab qabtay xaafadaha kala duwan ee magaalada Baydhabo halkaas oo saacado badan ay ka socdeen howlgal amniga ay ku sugayaan ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.
Saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadkan loo haysto amni darro maalmihii la soo dhaafay ka dhacay xaafadaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Waxa ay sheegeen Hay’adaha amniga inay wadaan baaritaano ay ku kala saarayaan shaqsiyaadka ay gacanta ku soo dhigeen kuwaas oo hadda lagu hayo xabsiyada magaalada Baydhabo.
Dad ku sugan magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Raxanreeb in dadka la qabtay intooda badan ay ahayaeen dhallinyarada xaafaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Saraakiisha amniga magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga xaafadaha magaalada. Maalmo ka hor magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa ka dhacay falal amni daro ka dib markii kooxda Al- Shabaab ay weeraraan xaafadaha masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed
Leave a Reply