XOG : Shirka madasha maxaa ku cusub ?- Qodobo la isku mari la’ yahay wali .

XOG : Shirka madasha maxaa ku cusub ?- Qodobo la isku mari la’ yahay wali .

Muqdisho (Raxanreeb )- Shirka  madasha wadatashiga Qaran ayaa galay maalintii sedaxaad  oo  hoggaamiyaashu ay  dood adag ka  yeelanayaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka bedelka  Dastuurka iyada oo aan ilaa iyo hadda laga gaarin wax natiijada ah.

Qodoba ugu adag ayaa ahaa , doorashooyinka maamul goboleedyada iyo tan Federaalka ah waxana jira sharuud ay soo bandhigeen madaxda maamulada oo uu ka  biyo diiday madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan  Sheekh.

Muddo kordhin ayaa ah waxa diirada u saaran madaxda maamul  goboleedyada oo ah laba sanno taas oo diiday madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud , waxanaa xogaha la helayo ay sheegayaan in suurtagal ay tahay in doorashooyinka ay kulamo ka  yeeshaan guddiyada doorashooyinka h heer Federaal iyo maamul goboleed.

Dhan kale Hogaamiyaha maamulka SSC Khaatumo  C/Qaadir Axmed Ow Cali Firdhiye oo ku biiray Shirka golaha wadatashiga qaranka, si uu warbixin u siiyo madaxweynaha JFS, iyo madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada oo kulankoodu uu galay maalintii labaad.

SSC-Khaatumo oo kal horey ay dowladda federaalka Soomaaliya siisay aqoonsi KMG ah ayaa dhisatay xukuumad.

Go’aanadda kasoo bixi doona shirkaan ayaa si dhow isha loogu hayaa, taasi oo muujin doonta dhinaca adkaada dhinacyada uu shirka uga socdo Villa Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.