RW Xamse “Waa in wax laga beddelo qaabka Internet-ka looga isticmaalo Soomaaliya “

RW Xamse “Waa in wax laga beddelo qaabka Internet-ka looga isticmaalo Soomaaliya “

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay la jaanqaaddo dalalka kale ee caalamka, kuwaas oo nidaam iyo sharci cad u dejiyey isticmaalka Internet-ka, si looga hortago xadgudubyada iyo falalka ka baxsan anshaxa dijitaalka ah.

“Dalalka dunida Internet-ka waa la nidaamiyey, iskama isticmaali karaan, waxaa loo sameeyey sharciyo qofkii ku xadgudba uu dambiile noqonayo, dadkeennu nasiib darro waxa ay u isticmaaleen si ka duwan sida caalamku u isticmaalo, waana waajib in arrintan wax laga beddelo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada qaranka, isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka iyaga oo dhowraya danta guud.

Waxa uuna ugu baaqay shirkadaha Internet-ka in ay si caddaalad ah ugu wada faa’iideeyaan bulshada, kana fogaadaan tartan aan faa’iido u lahayn horumarka guud ee dalka.

Geesta kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu ay xoojin doono dadaallada lagu dhisayo sharciyo iyo hannaan casri ah oo lagu maamulo Internet-ka, si loo hubiyo amniga dijitaalka ah, xuquuqda isticmaalayaasha, iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.