Safarka Deni ee Muqdisho & Khilaafka jira ee DFS & Puntland.

Muqdisho (Raxanreeb )  Maanta oo Axad ah waxaa  lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo – gaaro  Madaxwaynaha  maamulka Puntland Saciid  Cabdullaahi Deni.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  la sheegay in Saciid  Deni uu ku casuumay magaalada Muqdisho .

Sida qorshaha uu ahaa Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu waday inuu soo gaaro magaalada Muqdisho shalay oo sabti ahayd , hase ahaatee dib  dhaca ayaa ku yimid.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahui Deni  waxa ay ka wada hadli doonaan si warar la helayo ay sheegayaan – tabashooyin ay qabto Puntland.

Siyaasada  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo tan maamul – goboleedka Puntland ayaa maalmahan sal fadhin waxaan dhawaan jirtay in Madaxwayne Saciid Deni   kulanka Golaha wasiirada maamulkaas uu aad ugu dhaleeceeyay siyaasadda Dowladda ee Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxa ay  caro ka qabtay magacaabista Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare oo ka soo jeeda Jubbaland , waxa ayna Puntland aad u doon- doonaysay in xilkaas loo magacabo shaqsi ka soo jeeda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.