Guddoomiye Aadan Madoobe ‘’Amniga caasimadda jawaab waa in laga bixiyaa‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Gudoomiyaha golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in jawaab deg deg ah laga bixiyo xaaladda amni ee ka sii daraysa ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in ay jirto cabasho dadka magaalada Muqdisho ay ka qabaan ammaanka ka dib dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka dhacay magaalada.

Waxa uu sheegay sidoo kale in amaan darida magaalada Muqdisho ka jirta saamayn ay ku yeelatay ,  xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo qaylo dhaan ka soo yeeraysa.

‘’ Ma ah waxa la aqbali karo in lagu xad – gudbo xasaanada xildhibaanada Golaha Shacabka , waa matalayaasha ummadda Soomaaliyeed ma ah in meelo looga dhaco  amnigooda ‘’ ayuu sheegay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay la yimaadeen qorshe ka duwan sida hadda ay ku wajahayaan amaanka magaalada Muqdisho ,  taas oo keentay dhibaatada ay ka cabanayaan mudanayasha Golaha shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.