Ciidamo ku wajahan magaalooyinka Xarardheere iyo Jawle oo gaaray Galmudug.

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah ciidamo aad u fara badan u daabashay deegaano ka mid ah Galmudug.

Ciidanka ayaa ujeedkooda lagu sheegay in ay tahay in gacan ay ka gaystaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan gobolada galgaduud iyo Mudug.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in ciidanka ay gaari doonaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaas oo saldhig u ah kooxda Al- Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore isugu dayday in kooxda Al- Shabaab ay ka saarto meelo badan oo gobolada Mudug iyo galgaduud ah hase ahaatee ma aysan noqon mid suurtagal ah.

Lama oga sida ciidankan u gaari doonaan maalamaha soo socdo deegaanada kooxda Al- Shabaab ay ku xoogan yihiin ee mudug iyo galgaduud.

Si kasta waxaa muuqanaysa in dowladda oo gacan ka helaysa maamulada qaar iyo dadka deegaanka ay isku dayayaan in ay ka adkaadaan kooxda Al- Shabaab oo in muddo ah culays ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.