Laascaanood ( Raxanreeb Online) Magaalada Laascaanood, waxaa goordhaw ka bilaaban doona xaflada caleema-saarka madaxweynaha maamulka waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, waxaana magaalada ku qulqulaya wufuud kala duwan oo ka qeyb galaya xafdlada.
Sacaado ka hor waxaa magaalada Laascaanood gaaray safiirada dalalka Turkiga, Sacuudiga, Suudaan, waxaana la qorsheynaya in kuwo kala ay garaan, si ay uga qeyb galaan caleema-saarka madaxda waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Sidoo kale magaalada Laascaanood waxaa ku sugan madaxda ugu sareeysa dalka, iyo wufuud kala duwan o dhammaantood halkaasi u jooga ka qeyb galka caleema-saarka madaxweynaha maamulka waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa oo la doortay 30-kii Agoosto 2025-ka.
Ammaanka magaalada Laascaanood, ayaa aad loo adkeeyay waxaana wadooyinka lasoo dhoobay ciidamo badan oo sugaya amniga, kuwaasi oo katirsan xoogga dalka.

Leave a Reply