Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho, ayaa si aad ah looga dareemaya sare ku yimid qiimaha shidaal, kaddib dagaal culus eek a socda Bariga dhexe.
Qiimaha shidaal ayaa mar qura si xowli ah sare ugu kacay isaga oo gaaray 77% hal habeen gudaheed.
Qaar kamid ah darawalada gadiidka, ayaa sheegay in markii hore hal Litir oo baasiin ah la iibin jiray qiyaastii 0.65%, balse qiimaha shidaalka uu hadda marayo $1.25, taasi oo saameyn ku yeelatay, ganacsatada, gaadiidleyda iyo guud ahaan magaalada. Waxaana ay shegeen in haddii ay xaalada sidaan ku sii socoto ay gaadiidka meel iska dhigi doonaan.
Talaabadan ayaa loo sababeynayaa culeyska sii kordhay ee Maraakiibta shidaalka qaada ay wajahayaan khatar amni iyo caymis sareeya, marka ay marayaan biyaha bada cas iyo Gacanka Cadmeed.
Sidoo kale waxaa kordhacay qiimaha lagu gaaro gaadiidka Muqdisho, iyada oo hadda bulshada ay cabasho ka muujiyaan, qiimaha lacaga lagu raaci jiray gadiidka ee is badalka ku yimid.
Geesta kale falanqeeyaasha dhaqaalaha ayaa ka digay in haddii uu sii socdo dagaalka Bariga dhexe, uu saameeyn la taaban karo uu ku lee yahay karo suuqyada shidaalka, taasina ay keeni karto in la joojiyo isticmaalka gaadiidka, isla markaana dadka ay cagtood malaan, maadama qiimaha shidaalka caalamka uu hadda cirka isku sii shareerayo.

Leave a Reply