Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka DFS oo lagu xiray Garoowe+ SABABTA

Sarkaal ka tirsan Laanta Socdaalka DFS oo lagu xiray Garoowe+ SABABTA

Garoowe (Raxanreeb ) sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanada maamulka Puntland ciidanka amniga maamulkaas ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Agaasimaha Laanta Lixaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya u qaabilsan degaannada Puntland Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil ayaa  ciidanku ay xabsiga ay dhigeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in saaka xabsiga Garoowe loo taxaabay Agaasimaha Laanta Lixaad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wararka ayaa sheegaya in Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Taaran uu Agaasime Fu’aad waaran uga soo jaray Maxkamadda Garoowe inkastoo aysan weli dowladdu shaacin eedda loo haysto mas’uulkaasi.

Saraakiisha  amniga maamul goboleedka Puntland ma aysan ka hadlin wali xariga sarkaalkan ka tirsnaa  Laanta socdaalka Dowladda Federaalka ah ah ee Soomaaliya.

Xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa in mudda ahba uu xumaa ,  lamana oga  in xariga sarkaalkan Dowladda ay arintaas ku lug leedahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.