Sawirro: Xamsa Barre oo si weeyn loogu soo dhoweeyay Kismaayo

Sawirro: Xamsa Barre oo si weeyn loogu soo dhoweeyay Kismaayo

Kismaayo (Raxanreeb) — Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya, halkaas oo si fiican ay ugu soo dhoweeyeen madaxwenaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku xigeennadiisa iyo guddoomiyaha golaha wakiillada.

Booqashan Xamsa iyo wafdigiisa ayaa loo sababeeyay inay la xiriirto xaaladda binia’aadannimo ee ka jirta deegaannada ku teedaan Jubbaland halkaas oo fatahaad xooggan ay ku dhufteen.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa xoogga saari doona sidii gurmad deg deg ah, loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay fatahaadda sidii loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg ah.

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha ayaa lagu sheegay qorshaha kale ee tagistiisa inay tahay abaabul ka dhan ah, Al-Shabaab ee wojiga labaad ee dagaalka kaas oo aan hore kii kowaad u gelin Jubbaland.

Ra’isulwasaaraha ayaa sameeyn doona inta uu ku sugan yahay Kismaayo, dahag dhig iyo xatig jarista mashaariic hurumarineed, iyo xoojinta wada shaqeeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Xamsa Cabdi Barre, oo warbaahinta la hadlay ayaa aad ugu mahadceliyay soo dhoweeynta maamulka Jubbaland iyo qeybaha kale ee bulshada ay sida diirran ugu sameeyeen.

Sidoo kale toddobaad ka hor ayay ahayd marka uu booqasho tan oo kale uu ku tagay Xamsa Barre, gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doloow, oo uu ku dhuftay fatahaad xooggan oo ka dhalatay roobabka mahiigaanka ah.

Dowladda Federaalka ayaa sameyneysa dedaallo loogu gurmanayo dadka ay saameeysen fatahaadaha xooggan Wobiyada iyo roobabka xooggan ee wata daadadka, kuwaas oo ay ka barakaceen kumannaan kun oo qoysas ah.

Hasayeeshee, Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalad adag oo binia’aadannimo ah, taasoo keenta fatahaadda wobiyada iyo roobabka deyrta oo si xooggan u da’ay.