Fiqi oo furay shirweynaha shirweynaha 2-aad ee Guddiga Qaran

Fiqi oo furay shirweynaha shirweynaha 2-aad ee Guddiga Qaran

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib U Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Maccalin Fiqi, ayaa maanta caasimadda Muqdisho, ka furay shirweynaha labaad ee guddiga qaran hagidda dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah.

“Shirweynaha 2-aad ee Guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah ujeedkiisu waa soojeedin howlaha qabsoomay iyo kuwa la qorsheynayo sanadka soo socda, kaas oo ah hirgelinta adeeg dad dhigis, oo sharciyad leh, oo la isku halayn karo.” Fiqi oo khudbad ka jeediyay furitaankiisa ayaa ku yiri hadalkani.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Guddigaan, oo ah, guddi xubnihiisu isku dhafan yihiin kuwaas oo metela heer Dowladd Federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa ah midka ay ku xiran tahay xilgudashadiisa guulaysiga ama guuldarraysiga adeegga dad-dhigidda. Sababta sidaas aan u leeyahay ayaa ah in xubin kasta oo Guddigaan ka mid ah ay hoggaamiso wasaarad ama hay’ad xiriir toos ah la leh adeegga dad-dhigidda. Sidaa daraaddeed, waxaan si xurmad leh kaga codsanayaa xubnaha Guddiga in aan xoojinno dadaalkeena, ha noqdo mid keli keli ah ama si wadajir ahba, ku aaddan ka miradhalinta dib-u-hirgelinta adeegga dad-dhigidda,”

Ugu danbeeyntii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa hay’adaha taageeray ku boorriyay inay sii laba jibaaraan taageeradooda barnaamijkan.