Shariif oo war kasoo saaray xiisadda dagaal ee beelaha Xawaadle iyo Abgaal

Shariif oo war kasoo saaray xiisadda dagaal ee beelaha Xawaadle iyo  Abgaal

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa beelaha Abgaal iyo Xawaadle ee ka taagan gobolka Hiiraan.

Deegaanka ay hadda xiisadaasi ka taagan tahay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xalfooley, wuxuuna dhacaa xuduuda labada gobol, Xalfooley ayaa ka tirsan Shabeellada Dhexe.

Hadalka Shariif ayaa imanaya xilli qaar kamid ah waxgaradka beesha Abgaal ee degta xuduuda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay soo saareen digniin ku socota beesha Xawaadle.

Odayaal u hadlay beesha Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in beesha Xawaadle ay xuduuda labada gobol ka bilowday dhul balaarsi cusub.

Sidoo kale odayaashaan waxay sheegeen in xaaladda ka taagan xuduuda labada gobol ay qarka u saaran tahay gacan ka hadal, iyagoo balan-qaaday in nabad darrada aysan ka bilaaba doonin Abgaal, balse ay ka baqayaan in walaalahood Xawaadle uu bilaabo.

“Walaalayaal dib u sikada waa taqaaniin degaankiina, Abgaal dhulkiisana waa taqaaniin, ma ogolin in dhulkeena aad baraago iyo baco ka qodotaan ama tuulo cusub ka aasaastaan,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay ee beesha Abgaal Cismaan.

Xiisadaan cusub ayaa timid xilli xaaladda gobolka Hiiraan ay qasan tahay oo maamulkii uu khilaaf culus ka dhex taagan yahay, sidoo kale dhulka uu murankaani ka taagan yahay waxaa dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.