Sheikh Shariif oo taageray doorashada Puntland

Sheikh Shariif oo taageray doorashada Puntland

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Sheekh Axmed oo muuqaal gaar ah iska soo duubay ayaa ka hadlay doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee 25-kii bishaan May ka dhacay deegaanada maamulkaasi, taas oo lagu soo doortay goleyaasha deegaanka 30 degmo oo kamid ah dowlad goboleedka Puntland.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa shacabka iyo hoggaanka sare ee Puntland ugu hambaleeyay tallaabada ay u qaadeen dhanka dimuquraadiyadda.

“Shacabka, hoggaanka iyo waxgaradka reer Puntland, waxaana ugu hambalyeynayaa runtii tallaabtaas wanaagsan ee loo qaaday dhinaca nabadda iyo dimuquraadiyadda,” ayuu yiri.

Shariifka ayaa sidoo kale sheegay in doorashadan ay horseedi doono in deegaanada kale ay ku deydaan , isla-markaana ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

“Waxay horseedi doontaa inay gobollada kale iyo deegaanada kale ee Soomaalida inay sidaas oo kale uga dhacday. Marka waxaan leenahay hambalayo kalye,” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale tallaabadan ayuu ku sifeeyey inay tahay mid horay loo qaaday, isla-markaana dhiira-gelinaya hannaanka dimuquraadiyada ee guud ahaan Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in doorashadan ay muujineyso in laga gudbo hababkii hore ee wax lagu soo dooran jiray, maadaama ay dadweynuhu codeyn karaan.

“Waxaana leeyahay waa tallaabo loo baahnaa oo waqti dheer la sugayaayey oo timid xilli munaasab ah, runtii waa wax dhiira-gelinayo in hannaanka dimuquraadiga uu gaaro meel walbo, lagana gudbo hababkii kale ee wax loo soo dooran jiray,” ayuu mar kale yiri.

Si kastaba Puntland ayaa haatan ku howlan tirinta codadka doorashadii dhacday oo ay ku tartameen illaa 7 urur siyaasadeed, waxaana haatan la shaaciyay natiijo hordhac ah oo muujinaya inay aad isugu dhowyihiin codadka ay haleen ururada siiba, Kaah iyo Mideeye.