Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ka bilawday magaalada Muqdisho iyo Dowlad gobaleedyada dalka.
Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan ayaa waxaa u fariistay arday gaaraysa 33,700, kuwaas oo ku kala galaya 114 xarumood oo ku yaalla gobollada dalka, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa guul u rajeeyey ardayda u fariisanaya imtixaanka shahaaadiga ah, waxuuna ku bogaadiyey wasaaradda iyo macallimiinta dadaalka ay galiyeen ilaalinta imtixaanka dowliga ah.
Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay ahmiyad gaar ah siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada, ayaa dhawaan howlgelisay 3,000 oo macallim, waxaana ardayda Soomaaliyeed laga dhaafay dhaqaalihii ay ka qaadi jirtay hoon-nanbarka imtixaanadka dalka.