Muqdisho ( Raxanreeb Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga daah furay wajiga labaad ee kulanka Guddiga Hagidda Mashruuca SJGAP, kaasi oo ka qeyb galeen wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga gudaha, Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Mashruuca SJGAP oo uu maalgeliyo Midowga Yurub, ayaa taageera Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga Gudaha iyo Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si loo xoojiyo hannaanka maamulka, isla xisaabtanka iyo awoodda hay’adaha amniga iyo caddaaladda dalka.
Wasiir Fiqi, oo madasha ka hadlay ayaa xusay in wejiga labaad ee mashruucu uu muhiim u yahay dhameystirka iyo hirgelinta qorshayaashii hore, isagoo ku tilmaamay SJGAP in uu yahay tusaale muuqda iyo iskaashi waxtar leh oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay howlwadeennada Wasaaradaha, wakiillo ka socday Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, iyo mas’uuliyiinta mashruuca SJGAP

Leave a Reply