Shirar la isku mari  la’ yahay , iyadoo ay gubanayso  Laascanood

Shirar la isku mari  la’ yahay , iyadoo ay gubanayso  Laascanood

Garoowe (Raxanreeb ) Rabashado  ayaa ka sii socda magaalada Laascanood , halkaas oo ay ku dhibanayaan dad rayid ah kuwo kale ku dhaawacmayaan halka magaalada laga saarayo dadka waayeelka ah.

Inkastoo ay jiraan warar kala duwan oo ka soo  baxay Madaxwaynaha  Dowladda Federaalka oo la sheegay in warkiisa uu aad ugu hoseeyay sidii laga filayay iyo madaxda hore ayaa – hadana waxa wali wax xal ah laga gaarin xiisada magaalada Laascanood.

Shirar kala duwan ayaa socda kuwaas oo ka  kala dhacaya Hargaysa iyo Garoowe , inkastoo shirarkaas ay yihiin kuwa wata dhiiladooda  isla markaana waxaa hareeyay muran salka – haya sida loo wajahayo  magaalada Laascanood.

Somaliland waxa ay doonaysaa in si xoog ah ay ku maquuniso dadka magaalada Laascanood  taas oo ay iska diidan yihiin shacabka ku nool gobolada Sool sanaag iyo cayn oo ay leeyihiin waxaan u madax banaanahay aayaheena.

Madaxwaynaha Puntland iyo  ku xigeenkiisa dhankooda waxaa lagu soo waramayaa in ay isku khilaafsan yihiin sida loo wajahayo xaalada  murugsan eek a jirta – magaalada  laascanood.

Madaxwayne ku xigeenka Maamulkaas Axmed Karaash  ayaa doonaya in lagu wajaho dhibka ka taagann magaalada Laascaanood xoog ciidan si dadka  loogu dulqaado culayska daaha- saarayn ee ay – kala kulmayaan  ciidanka Somaliland.

Dhankiisa  Madaxwaynaha Puntland Saciid Dani ayaa qaba aragti ah in xal nabadeed lagu wajaho ,  magaalada waxaana sidoo kale labada masuul ay ku kala fogaadeen qodobada qaar.

Magaalada Hargaysa waxaa ka socda abaabul iyo shirar ka dhan ah magaalada Laascanood  halkaas oo dadka ay diian – yihiin in laga maamulo Hargaysa taas oo keentay  in gacmaha la iskula tago  keentayna in ciidanka Somaliland ay u adeegsadaan banaanbaxyaasho rasaas nool – nool.

Mareykanka ayaa ku baaqey in xaaladda la dejiyo, islamarkaana Somaliland ay joojiso rasaasta dadka u adeegsanayso, taasoo sababtay dhimashadda in ka badan 20 qof.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa haatan faraha kasii baxaysa, waxaana kordhay dhimashada iyo dhaawa ka dhashay rabashada ka socda Laascaanood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.