Ruusha oo duqeeymo ka fuliyay Ukraine

Kyiv (Raxanreeb) — Duqeyn xooggan ayaa lagu beegsaday Magaalada Kyiv ee Caasimadda Ukraine xilli goobta weerarka lagu qaaday lagu sagootinayay 2022 laguna soo dhaweynayay sanadka cusub ee 2023 sida ay sheegeen saraakiil katirsan dowladda Dalkaas.

Duqa Magaalada Kyiv ayaa sheegay in weerarkaas oo ahaa ‘Mid argagixiso’ lagu beegsaday meel loo qorsheeyay in lagu soo dhaweeyo Sanadka cusub ee Miilaadiga 2023ka balse ma sheegin khasaaraha ka dhashay.

Ugu yaraan 20 Gantaal ayaa ku dhacay Magaalada Kyiv ee Caasimadda Ukraine, sarkaal katirsan Dowladda ayaa sheegay in markii horay ay jirtay feejignaan xooggan oo ka dhan ah weerarada Ruushka uu ku beegsan karo Shacabka Dalkaas.

Ruushka ayaa iska fogeeyay eedeynta uga timid Ukraine waxaana uu ku tilmaamay wax lagu yaqyaqsado eedeyntaas Kyiv ay u jeedineyso Moscow, dhowr jeer ayaa Ruushka lagu eedeeyay weeraro ka dhan ah Ukraine balse iska fogeyay.

Ciidamada Ruushka ayaa weerar ku qaaday Ukraine 24kii Febaraayo 2022, tan iyo xiligaas waxaa uu duqeyn & weeraro toos ah ku beegsanayay meelo kala duwan oo Dalkaas ah iyada oo ay ka dhasheen dhimasho, dhaawac, burbur & is baddelka maciisha oo guud ahaan caalamka saameeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.