DEG-DEG : Ciidanka Dowladda oo la wareegay Masagawaay , G. Galgaduud.

Jowhar (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Axad ah ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka galgaduud.

Deegaanka Masgawaay oo ah meel muhiim ay ayaa la sheegay in ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka ay kala wareegeen kooxda Al- Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal gaar ah ciidanka Dowladda ay kula wareegeen deegaanka Masgawaay halkaas oo hadda si buuxda ay u maamulayso Dowladda Soomaaliya.

Waxa ay intaas ku dareen saraakiisha Dowladda in weerarkaas ay ku dileen ilaa toban dagaalyahno halka sidoo  kale ay dhaawaceen in ka badan labaatan sida ay warka u dhigeen.

Xaaladda deegaanka ayaa degan , waxaana socda howlgal ciidanka ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga deegaanka waxa ayna ku baaqeen in dadka ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u jabin lahayd kooxda Al- Shabaab , waxa ayna howlgal balaaran  ay ka wadaa deegaano badan oo gobolada dalka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.