Baydhabo (Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay maanta oo Khamiis ah waxa ka furmay shirka madasha- wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.
Shirkan inta badan waxaa ka qayb galaya Madaxda maamulada dalka marka laga ireebo , Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Shirka ayaa waxaa guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga hadlayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Shirka Madasha Watashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda Dowladda Federalka Dowlad Goboleedka iyo Maamulka Gobolka Banaadir waa kii seddaxaad ay isugu yimaadaan dhinacyada.
Amniga Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG Dowlad Gobaleedka koonfur Galbeed ayaa aad loo adkeeyay, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka.
Leave a Reply