Beesha Caalamka ‘’ Deni Waa inaad ka qayb gashaa Shirka madasha-wadatashiga Qaranka ‘’

Beesha Caalamka ‘’ Deni Waa inaad ka qayb gashaa Shirka madasha-wadatashiga Qaranka ‘’

Beesha Caalamka oo fariin layaab leh u dirtay Madaxwayne Deni oo ka maqan shirka Baydhabo

Muqdisho (Raxanreeb )  Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa gabi ahaanba iska diiday inuu ka qayb galo  shirka madasha- wadatashiga Qaranka ee Dowladda iyo maamul goboleedyada.

Madaxwayne Saciid Dani ayaa tabashooyin badan ka qaba , hanaanka dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo balanqaadyo loogu baxay sida xogta la hayo ay sheegayso.

Wakiillada beesha caalamka ayaa ka codsaday madaxweyne Deni in uu tago magaalada Baydhabo kana qeyb galo shirka, waxa ayna u sheegeen in ay muhiim tahay in tabashadiisa shirkaasi kusoo bandhigo.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada ayaana isku raacay in shirka u furmo iyada oo Puntland ka maqan tahay, waxaana shirka laga soo saari doonaa war-murtiyeed Puntland ka maqan tahay.

Shirkan waxaa lagu wadaa in ay ka soo baxaan qodobo dhawr ah oo la xiriira xaaladda dalka , iyo arrimaha doorashooyinka ee soo aadan.

Lama oga sida maamulka Puntland oo shirka ka maqan ay u aqbali doonto natiijada shirkan

Leave a Reply

Your email address will not be published.