Shirka maaamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo & Deni oo ka maqan

Shirka maaamul goboleedyada oo ka furmay Baydhabo & Deni oo ka maqan

Baydhabo (Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay maanta oo Khamiis ah waxa ka furmay shirka madasha- wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Shirkan inta badan waxaa ka qayb galaya Madaxda maamulada dalka marka laga ireebo , Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi  Deni.

Shirka ayaa waxaa guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana looga hadlayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirka Madasha Watashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda Dowladda Federalka Dowlad Goboleedka iyo Maamulka Gobolka  Banaadir waa kii seddaxaad ay isugu yimaadaan dhinacyada.

Amniga Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG Dowlad Gobaleedka koonfur Galbeed ayaa aad loo adkeeyay, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.