Shirkadda tignoolajiyada qalbka Milateri ee isra’iil oo weerar lagu qaaday & faahfaahino kasoo baxaya weerarkaasi

Sweden (Raxanreeb online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya Weerar hubeysan oo lagu qaaday xarunta shirkadda tignoolajiyada iyo qalabka militari Israa’iil ee Elbit, xaruntan la weeraray ayaana kutaalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Sidoo kale, Ciidamo katirsan booliiska dalka Sweden ayaa si deg deg ah u gaaray goobta weerarka lagu qaaday, waxa ayna booliiska war ay soo saareen ku shaaciyeen in falkan weerarka ah loo xiray wiil yar oo 15-sanno jir ah, kaas oo rasaas ku furay xaruntan.

War kasoo baxay booliiska dalka Sweden ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah ah oo ka dhashay rasaasta lagu weerarray xarunta shirkadan, waxa ayna xuseen booliiska in ay socdaan baaritaanno ku aadan weerarkan .

Dhanka kale, booliiska Sweden ayaa dhawaan sheegay inay sare u qaadayaan ammaanka hantida iyo xarumaha diblomaasiyadda Israa’iil ee gudaha Sweden , kaddib weerar aan khasaare geysan oo maalmo kahor ka dhacay safaaradda Israa’iil ee Sweden.

Weerarkan lagu qaaday xarunta shirkadda Israa’iil laga leeyahay ayaa warbaahinta taageerta Israa’il ku sheegeen in ay ka dambeeyeen kooxda Foxtrot oo ay sheegeen inay fuliyaan howlgallada Yurub ee ka dhanka ah Israa’iil iyagoo taageerraya Iran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.