Siciid Deni oo taageero u muujiyay Axmed Madoobe + Sababta.

Garoowe (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in maamulkiisa garab iyo gaashaan u noqonayo maamulka Jubbaland oo diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee ah muddo kororsi iyo doorashooyin qof iyo cod ah in la qabto.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa sheegay in diyaar u yihiin in Jubbaland ku taageeeraan in doorashadooda qabsadaan, waxa uuna tilmaamay in Golaha Wadatashiga Qaran ee hadda jira inuu nuxurkii beelay ayna noqdeen meel kala taga looga shaqeeyo.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo in Puntland garab iyo gaashaan u noqoneyso dowladda Jubbaland oo goosatay inay doorashadeeda sida sharciga iyo nidaamkeeda yahay ay ku qabsato waxaan ku boorineynaa guddiga doorashada Jubbaland inuu doorashada Jubbaland qabto”ayuu yiri Saciid Deni.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh doorashadii uu u diidanaa Puntland ee qof iyo cod in uu hadda ku qasbayo maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira una diyaarsaneyn in doorasho nuucaas ah qabtaan.

“Xasan Shiikh doorashadii uu noo diidanaa ee qof iyo codka ayuu maamullada ku khasbayaa, Madasha Qaranku maaha meel danta Soomaaliyeed lagu hayo ee waa meel kala taga Federaalka looga shaqeeyo.

Sikastaba, Hadalka madaxweynaha Puntland, ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka biyo diidan yahay in uu kusoo laabto shirka Golaha Wadatashiga Qaran, sidoo kale uu ka laabto go’aanka uu ku doonayo in doorasho ku qabsado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.