Siciid Deni oo wakiilada Beesha Caalamka kulan kula qaatay magaalada Nairobi

Nairobi ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sacaadihii lasoo dhaafay magaalada Nairobi, kula kulmay Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Safiirada Qaramada Midoobey, Midowga Europe ,UK, Denmark, Norway , Canada , Germany, Sweden iyo diblomaasiyiin sarre oo ka tirsan safaaradaha USA, Switzerland, Finland, France , Netherlands iyo World Bank.

Kulanka waxaa looga hadlay , xaalada guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda, Iyadoo dowlad goboleedka Puntland lagu boggaadiyey Hawlgalka ay deegaanadeeda uga ciribtireyso kooxda Daacish iyo hirgelinta Dimuqraadiyadda, sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Bani’aadanimo iyo Iskaashiga horumarineed.

Sidoo kale Siciid Deni, waxaa kulanka ku wehlinayay wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wakiilka Puntland ee Kenya Mohamed Ahmed (Fagalagad) iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan maamulka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.