Somaliland iyo SSC oo mar kale ku dagaallamaya duleedka Laascaanood

Somaliland iyo SSC oo mar kale ku dagaallamaya duleedka Laascaanood

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland uu ka qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haatan ka socdo tuulada Buqdharkin oo dhinaca galbeed ka xigta magaaladaasi.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha soo kala gaaray.

War kooban oo kasoo baxay maamulka SSC-Khaatuma ayaa looga hadlay dagaalkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadooda ay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay.

SSC ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in tiro maydad ah iyo dhaawacyo ay ka carareen ciidamada Somaliland ee ay maanta kula dagaalameen duleedka Laascaanood.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Somaliland oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegatay SSC-Khaatuma.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah Sool oo ay isku horfadhiyaan labada dhnac.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaalada Laascaanood, kadib markii Somaliland laga qabsaday xerada Goojacadde.

Si kastaba, dhowaan ayay ahayd markii ay dowladda federaalka Soomaaliya aqoonsatay maamulka SSC-Khaatuma, taas oo ay si weyn uga carootay xukuumadda Hargeysa.