Itoobiya oo dagaal Afaraad ku bilowday Badda Somalia

Itoobiya oo dagaal Afaraad ku bilowday Badda Somalia

Addis Ababa (Raxanreeb) – Dalka Itoobiya ayaa si weyn looga hadal hayaa dagaal cusub, kaasoo noqon doona kii afaraad ee uu qaado Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo muddo shan sano ah xafiiska jooga.

Abaabulka ciidan iyo soo iibsashada hub ayaa loo arkaa in qeyb ka tahay damaca Abiy uu ku doonayo helitaanka dakad ku taalla Badda Cas.

Sidoo kale, Abiy Axmed oo sanadkii 2019-kii ku guuleeystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, taas oo uu ku muteysatay soo afjariddii dagaalkii Itoobiya ay kula jirtay waddanka ay dariska yihiin ee Eritrea.

Bartilmaameedka ugu weyn ee Itoobiya ayaa ah dekedda Casab ee Badda Cas ee Eritrea, taas oo ka mid ahayd Itoobiya ka hor xorrnimadii Eritrea in ka badan 30 sano ka hor.

Dhanka kale, tan iyo sanadkii 1998-kii dagaalkii Itoobiya iyo Ereteriya kadib, xiligaas oo la xiray xudduudka labada dal u dhaxeeya, dekadda Casab waxay ahayd mid daxalaysatay oo aan la isticmaalin, halka ganacsiga Itoobiya uu u wareegay dalka ay jaarka yihiin ee Jabuuti.

Dad badan oo Itoobiyaan ah iyo kuwa dalalka dariska ah ayaa u arka hadal dhawaan kasoo baxaya ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed in uu ahaa hanjabaad iyo in uu doonayo inuu awoodd isticmaalo si Itoobiya ay dakad u hesho.

Abiy Axmed oo dhawaan la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa qalabka sida ee Itoobiya ayaa si cad u beeniyay inuu doonayo inuu ku duulo Eritrea, waxaana uu yir “Itoobiya waligeed kuma soo duulin dal kale, mustaqbalkana ma sameyn doonto.”

Waxa uu sidoo kale ku baaqay wadahadal iyo shir-madaxeed degdeg ah oo ay yeeshaan urur goboleedka IGAD, oo ay ku mideysan yihiin siddeed waddan oo ku yaal waqooyi-bari Afrika.

Bishii Luulyo, Abiy wuxuu si cad u soo bandhigay arrinta ku saabsan helitaanka Itoobiya ee badda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.