Somaliland oo soo saartay amar cusub oo la xiriira duullimaadyada

Somaliland oo soo saartay amar cusub oo la xiriira duullimaadyada

Hageyso ( Raxanreeb Online) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aysan hawadeeda soo geli karin diyaaradaha aan oggolaansho iyo fasax ka haysan wasaaradeeda duulista hawada.

Bayaan ka soo baxay baxay wasaaradda duulista iyo horumarinta madaarrada Somaliland, ayaa lagu sheegay in duullimaad kasta oo soo gala hawadeeda oggolaansho la’aan ay ka qaadayso tallaabo.

“Duullimaad kasta oo oggolaansho la’aan soo gala hawada Somaliland waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda duulista.

Dhanka kale dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shirkadda diyaaradaha ee Fly Dubai oo la sheegay in ay Hargeysa keentay rakaab aan haysan fiisaha elektaroonigga ah, kaasi oo looga baahan yahay dadka u safraya Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa warqad ay soo saartay waxay ugu goodisay Fly Dubai, in haddii ay u hoggaasami waydo amarka dowladda laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah, oo ay ka mid yihiin ganaax lacageed, joojinta duulimaadyada shirkadda ee Hargeysa, ama dib u eegis lagu sameeyo ogolaanshaha shirkadda ee isticmaalka hawada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.