Arusha (Raxanreeb ) Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si rasmi ah maanta oo Jimca ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika ka dib muddo dheer socday oo la xiriirta arintaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu dadaal ku bixinayey tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada dalladan,” maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah.
Dad badan ayaa aaminsan in ku biirista Soomaaliya ee Daladda Bulshada Bariga Afrika, aysan wax badan ka faa’iideyn balse xaqiiqada ayaa ah in ay faa’iido weyn ku qabaan dadka gaar ahaan Ganacsatada Soomaaliyeed.
Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 8-aad ee xubin ka noqda ururka EAC, waxayna ku biireysa Burundi, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda, aiyo Tanzania.
Leave a Reply